Haddii aad hoos u sii fiiriso Nuxurka hab dhismeedka khilaafka Baarlamaanka, waxaa kuu muuqanayo is baheeysiyo ku sameeysan Qabiil,

Shirkii Baarlamaanka ee Maanta iyo Runta Xaraar Haddii aad Fiiriso waxa maanta ka dhacayay Baarlamaanka, waxaa kuu Cadaanayo in Laba koox loo kala jabay.

  1. Kooxda Taageersan Madaxweynihii hore iyo Baarlamaanka Muddo xileedkiisii dhamaaday. kuwaasi waxa ey rabaan, Madax kali talis ah iyo Baarlamaan Guulwade ah, waxa eyna Aaminsanyihiin in aan deegaan Doorashadooda dib looga soo dooraneyn.

Kooxdaan waxaa ka muuqdo in ey Dad gaar ah diidan yihiin, eyna door bidayaan in ey helaan Rooti ey cunaan intii ey raadsan lahaayeen Furihii ey naftooda ku xureyn lahaayeen, kuwaa oo ka baqayo kuwa laftoodu Xabsiga kula jiro. ( F.S: 1aad)

  1. Kooxda kale oo Taageersan Mucaaradka aan laheyn Qorshe mideeysan. waxa ey rabaan in ey xukunka kala wareegaan Kooxdii Waqtigu ka dhamaaday, Si ey ugu fududaato in Dib loo soo doorto, Saaxiibadooduna ey xilka la wareegaan.

Runta Xaraar.

Haddii aad hoos u sii fiiriso Nuxurka hab dhismeedka khilaafka Baarlamaanka, waxaa kuu muuqanayo is baheeysiyo ku sameeysan Qabiil, oo ah hebel waxa uu necebyahay Qabiil aan Aniguna necebahay, sidaa darteed ayaan ku taageeray Hebel iyo Maalintii hebel uu xilka sii hayo anniga waxaa jeebkeeyga ku soo Dhacayo Lacag, sidaa darteed ayaan ku taageerayaa Hebel iyo Qaabaa’il aminsan in ey yihiin Qabiilo yar yar in kasta oo eyna yareeyn, kuwaa oo Rabo in ey taageeraan koox kasta oo ka soo horjeedo Qabiilada ey u arkaan Qabiilada waaweyn.

Shacaboow Sharci ma jiro ee Shaaq shaaq iyo Shanta ayey joogtaa.

FG: Aragtidaada Xur ayaad u tahay, ha noqon kuwa jawaabo inta eynan wax fahmin ka hor.

Qore: Yahya Amir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here