Chelsea Oo Garaacday Sheffield United Iskana Xaadirisay Semi-final-ka FA Cup-ka.

Kooxda chelsea ayaa iska xaadirisay wareega Semi-final-ka tartanka FA Cup-ka kadib markii ay garaaceen kooxda Sheffield United kulan ka dhacay Stamford Bridge.

Ciyaarta qaybta hore:

Kulanka ayaa ku bilowday si dagan iyada oo ayna chelsea ku deg-degayn in ay weerar ku qaado kooxda Sheffield United kuwaas oo dhankooda difaac ku jiray.

Chelsea ayaa dhankeeda maamulaysay ciyaarta iyaga oo kubada in badan haystay xilli ay Sheffield United ku dhibaatoonaysay in ay weeraro wax ku ool ah qaado.

Dhanka kale weerara chelsea ayaa dhankooda ku dhibaatooday in ay dhaafaan daafaca kooxda Sheffield United marka loo eego in ay Blues ku dhibaatoonaysa weerarka sanadihii ugu dambeeyay.

Chelsea ayaa daqiiqadii 20-aad heshay gooka 1-aad kadib markii uu xiddiga Oliver Norwood si khaldan uga dhaliay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.

Sheffield United ayaa isku dayday in ay ciyaarta ku soo laabato laakiin qaybtii hore waxa ay ku dhibaatootay in ay weeraro qaado.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Chelsea ku hogaaminayso 1/0 inkasta oo ayna soo bandhigin qaab ciyaareed fiican.

Ciyaarta qaybta dambe:

Kooxda Sheffield United ayaa qaybtii dambe ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo raadinayay in ay ciyaarta ku soo laabtaa inta uuna wakhtigu ka dhicin.

Sheffield United ayaa heshay fursado fiican laakiin iska khasaarisay fursadahaas iyaga oo aan wax gool ah u badalin inkasta oo ay fursado dahab ah heleen.

Chelsea ayaa iyadu qaybtii dambe ku dhibaatootay dhanka weerarka iyaga oo aan wax fursado ah samayn waliba ay ku yarayd in ay aadaan goolka Sheffield United hortiisa.

Daqiiqadii 90+2-aad ayay Chelsea dhalisay goolka ay ciyaarta ku dilayso iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Hakim Ziyech kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay chelsea sidaas isaga xaadirisay wareega Semi-final-ka tartanka FA Cup-ka xilli ciyaareedkan.

Damqo Media

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here