Beesha Caalamka oo war ka soo saaray shirka lagu wado in lagu qabto Xerada Afisyooni

Saaxiibada caalamka ee Somaliya ayaa boggaadiyay shirka ay Dowladda Federaalka iclaamisay in Isniinta uu ka furmi doono Xerada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

Shirkan ayuu qorshuhu yahay in Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir uga hadlaan arrimaha doorashooyinka ee dalka.

“Waxaan ku boorineynaa inay si dhakhso leh u shiraan ayna muujiyaan hogaamin iyagoo ka amba-qaadaya soo-jeedintii Gudiga Farsamada ee Baydhabo ee 16kii Febraayo 2021 si loo hirgeliyo hanaanka doorashada ee 17kii Sebtember 2020 loona gudbo doorashooyinka iyadoo aanu jirin dib-u-dhac.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Beesha Caalamka.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Waxaan sidoo kale dhiirigelinaynaa la-tashiyada lala yeelanayo saamilayda kale sida dhinacyada siyaasadda, ururada bulshada rayidka ah, iyo sharci-dajiyeyaasha muhiimka ah si loo dhageysto aragtiyadooda loona xaqiijiyo in geedi-socodka doorashada uu helo taageero ballaaran.”

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri “Nooma muuqato wax kale oo lagu beddeli karo laguna hirgelin karo hannaanka doorashada ee 17kii September iyadoo la raacayo jadwal si dhaqso leh u hirgala si loo qabto doorashooyin nabdoon, loo wada dhan yahay, xor, xalaal ah oo lagu kalsoonaan karo. Saaxiibada caalamku ma taageeri doonaan geedi-socod aan loo dhamayn ama mid barbar-socod ah, ama dadaalo horseedaya kordhinta muddo xileedyadii horay u jiray.”

Qoraalkan ayaa waxaa ku saxiixnaa Belgium, Canada, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holland, Norway, Qadar, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Damqo Media

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here