Xilliga uu furmi doono horyaalka soomaaliya oo la shaaciyay iyo jadwalkiisa oo dhameestiran

(WARARKA-Damqo.cm)

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ayaa shaaciyay waqtiga uu dib u furmi doono horyaalka Soomaaliya kaasoo in muddo ah hakad uu ku jiray.

Sida ku cad jadwalka horyaalka ee kasoo baxay xiriirka, waxa uu furmi doonaa 13-ka bishaan oo ku began maalin Isniin ah, iyadoo la ciyaari doono laba kullan.

Inta uu ka dhamaanayo Wajiga koowaad ee horyaalka, waxaa maalintii la ciyaari doonaa laba kullan iyadoo lagu dheeli doono garoomada Banaadir iyo Jamaacadaha.

Maalmaha la ciyaari doono horyaalka heerka koowaad ayaa kala ah Isniin,


Tallaado, Khamiis iyo Jimco,waxaana wajiga hore lasoo af meeri doonaa 14/3/2017-ka.

Kullamada dib loogu furayo horyaalka ayaa waxaa wada ciyaari doono Banaadir iyo Heegan oo kullankooda ka dhici doono geegada Koonis, iyo Jeenyo iyo Dekedda oo isku wajahaya garoonka Jaamacadaha.

Horyaalka Soomaaliya ayaa hakad loo galiyay dhismaha garoomada iyo doorashada dalka oo la filayo in ay dhacdo 8-deeda bishaan.

Sikastaba kooxda Banaadir S.Club ayaa ah naadiga hoggaamineysa horyaalka iyadoo leh lix dhibcood, markii ay badisay labadii kullan ee ugu horeysay.TABIYE: Xassan Axmad Xassan

Damqo.com

XAFIISKA: Damqo muqdisho-somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *