Xildhibaanada Puntland ayaa qaar kood magaalada isaga tagay halka kuwa kale talefonadooda dansaday

(DMN) : Talyaniga –  Wararka naga soo garaayo magaalad Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa shegaayo in musharixiinta doorashada madaxweynaha Puntland magaalada Garoowe ka baadi goobayaan xildhibaanada.

Xildhibaanada Puntland ayaa qaar kood magaalada isaga tagay halka kuwa kale talefonadooda dansaday qaarkoodana isaga guuray xaafadihii iyo hotelada hore u daganayeen kuwaasi oo ka cabsi qabo musharixiinta doorashada looga adkaaday

Musharaxiinta qaarkood ayaa sheegay in xildhibaanadu ay ka qaateen lacago fara badan si ay u doortaan balse ay qiyaaneen.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo


kalsoon yahay xildhibaanada Puntland ayaa lacag xoog leh oo laaluush ah ka cunay qaar ka mid ah musharaxiinta, waxaana inta badan xildhibaanadu ay heleen lacago gaaraya $100 kun oo dollar.

Musharixiinta doorashada Puntland oo qaar kood lacaga kabixiyay jeebkooda ayaa weli ka samri la sida lacagta looga qaatay halka kuwa kale u codsanayaan in dib loogu celiyo qeyb ka mid ah.

Xafiiska damqo Media Network
       Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *