Xil ka qaadistii Taliyihii Ciidamada DANAB oo dood laga keenay

Hadal heyn badan iyo guux dadweyne ayay dhalisay tilaabadii dowladda madaxweyne Farmaajo  ay xilka uga qaaday taliyihii ciidamada DANAB iyo magacaabista taliyaha cusub ee xilkaas loo magacaabay.

Dadka qaar ayaa kuu sheegaya in arintan ay salka ku heyso khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya madaxweyne Farmaajo  iyo ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre  , maadaama taliyaha xilka laga qaaday uu ka mid ahaa saraakiisha  ugu dhawaa Xasan Cali Kheyre  sidoo kalana ay isku beel ahaayeen.

Taliyihii Ciidanka Danab G/lle Ismaaciil Cabdimaalik ayaa xilka laga qaaday, kaddib markii todobaadyo ka hor shaqo joojin lagu sameeyay, isagoo xabsi guri ku ahaa Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga. Wararka ayaa sheegaya in lagu bedelay kuxigeenkiisa oo lagu magacaabo G/lle Axmed Beeryare oo ka mid ahaa Saraakiishii lagu soo tababaray dalka Mareykanka.

Shaqo ka joojinta Taliye Ismaaciil Cabdimaalik ayaa waxaa walaac ka muujiyay Mareykanka oo ka digay in Musuqmaasuqa iyo qaraabo kiil lagu sameeyo arrimaha ciidanka ay dib u dhac ku keeneyso horumarka dib u habeynta Ciidamada, ayna wiiqeyso amniga dadka Soomaaliyeed.

Todobaadyo ka hor ayaa waxaa soo baxayay warar sheegayay in Saciid Kampala oo horay u ahaa madaxii Hab Maamuuska Madaxtooyada, Madaxweyne Farmaajo qaraabo la ah in loo magacaabi rabay xilkaas, balse Mareykanka uu diiday, maadaama ciidanka DANAB ay yihiin Ciidan uu Tababaray, isla markaana mushaarkiisa iyo qalabeyntiisa uu Mareykanka bixiyo.

Waxaa jira cabsi dadka qaar  ay ka qabaan dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo  taas oo salka ku heysa iskuday ah in ay isi siiso awoodda dalka xilli saraakiisha ka aragtida duwan ay  xilka ka qaadeyso.

Damqo 

Xafiiska Muqdisho 

Damqomedia@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *