Weerar dhimasho iyo dhaawac sababay oo lagu qaaday gaari dad Shacab ah ay saarnaayeen oo ka ambo baxay Muqdisho

Sida wararka aan heleyno ay sheegayaan gaari nuuca Soomaalidu  ay u taqaan Caasi ama Hoomeey ayaa lagu weeraray deegaanka Garsaale ee gobolka Shabeelaha dhexe.

Gaariga ayaa la sheegayaa inay saarnaayeen dad shacab ah , waxaana la sheegayaa inuu kusii jeedo qeybo ka mid ah deegaanada gobolka Shabeelaha dhexe.

Koox hubeysan ayaa la sheegayaa inay rasaas ooda uga qaadeen gaariga ., taas oo sababtay geerida labo ruux iyo  dhaawaca tiro intaas kasii badan.

Dad weyne gurmad ah oo ka baxay deegaano hoostaga degmada Balcad  iyo deegaanka Qalimoow ayaa tagay goobta ay gaariga caasiga ah lagu weeraray waxaana ay gurmad deg deg ah u sameeyeen dadkii dhaawaca ahaa .

Ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya  ayaa sidoo kale tahay goobta gaariga shacabka siday lagu weeraray , iyadoo kooxdi falkaas geysstaý ay durba goobta isaga carareen.

Xafiiska Muqdisho 

Damqomedia@gmail.com 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *