Waxaa goor dhow Qasriga Madaxtooyada Djibout ka furmay wadahadalada, ay ku leeyihiin Madaxda Dowladda Federaalka iyo Somaliland.

Madashada wadahadalada ayaa waxaa goobjoog ku sugan Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre, Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo masuuliyiin kale.

Wadahadaladan ayaa waxaa shir guddoominaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, iyadoo uu ku wehlinayo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa daqiiqado ka hor qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxaa uu ku sheegay in wadahadalada labada dhinac u bilowday, ay tusaale wanaagsan u yihiin in Madaxda Geeska Afrika ay sii wadaan dhex dhexaadintooda.

“Dib u bilaabashada wadahadalada u dhaxeeya Somaliya iyo Somaliland waxaa weeye tusaale wanaagsan oo ka tarjumaya sii wadida go’aanka hoggaamiye-yaasha gobolka, si loo xaliyo khilaafka, iyadoo loo marayo wadahadal.” Ayuu qoraalka ku sheegay Madaxweyne Geelle.

Illaa iyo hadda ma cadda ajandayaasha la qorsheeyay in looga wada hadlo shirka, waxaana aad u xididan wararka laga helayo madashada lagu madlan yahay.

Dhinacyada wadahadalada ka qaybgelaya iyo Madaxweynaha Jabuuti ee martida loo yahayba waxaad mooddaa inay in ay ka cago jiidayan in la bayaamiyo ajandayaasha shirka.

 

Xafiiska damqo Media
       Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *