Warqad uu qoray Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo dhalisay caro xoog leh iyo qaban qaabo ka socota Dhuusamareeb

Xildhibaaanada baarlamaanka Galmudug  ayaa kulan ka dhan ah Gudoomiyaha baarlamaanka  Galmudug  waxay ku leeyihiin magaada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Xildhibaaanada  ayaa ka careysan qoraal uu Gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug  Maxamed Nuur Gacal  ku sheegay inuu xilka uga qaaday xildhibaan Cabdulaahi  Axmed  Calasow  oo ka mid ahaa mudanayaasha  baarlamaanka Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanada baarlamaanka qaar  ay gudbiyeen mooshin ka dhan ah Gudoomiye  Maxamed Nuur Gacal  kaas oo isaga xilka ay doonayaan inay uga qaadaan.

Dhanka kale Xildhibaan Cabdulaahi Axmed Calasow ayaa sheegay in xilka qaadista uu soo qoray Gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug  ay tahay mid aan sharci ahayn .

Waxaa sii xogeysanaya khilaafka Baarlamaanka Galmudug  iyadoo hore madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor  uu u diiday inuu kala dhexgalo baarlamaanka Galmudug  kadib dalab uga yimid Gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug.

Damqo 

Xafiiska Muqdisho 

Damqomedia@gmail.com 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *