Wariyeyaasha ka howlgala Puntland oo loo diiday goobta dhaarinta Golaha Wasiiradda

War Goordhow naga soo gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa sheegaya in saakay warbaahinta Madaxa banaan ee ka howlgasha deegaanadaasi laga hor istaagay inay goobjoog ka noqdaan dhaarinta Golaha Wasiiradda cusub ee Puntland.

Sidoo kale Habeen ka hor  ayaa waxaa Wariyeyaasha ka howlgala deegaanada Puntland laga joojiyay in ay si toos u tabiyaan Magacaabista Golaha Wasiirada Puntland,isla markaana loo diiday in ay galaan Madaxtooyadda Puntland.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeysay in Maanta markale Wariyeyaasha ka howlgala Puntland laga hor istaago inay goobjoog ka noqdaan dhaarinta Golaha Wasiiradda cusub ee Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *