Wararkii ugu dambeeyay weerar askar lagu laayay oo ka dhacay Shabeelaha Hoose

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal askar badan ay ku dhinteen oo ka dhacay duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka ayaan yimid kadib markii dagaalyahanada ururka alshabaab  ay weerar ku qaadeen ciidamo  ka tirsan Militariga soomaaliya  oo kusii jeeday saldhig  ay ku lahaayeen deegaanka warmaxan .

Dagaalka ayaa ka dhacay inta u dhexeysa afgooye iyo Wanlaweyn  gaar ahaan deegaanka Buulalow ee duleedka degmada Afgooye , waxaana uu dagaalkaas sababay khasaaro kala duwan.

Dadka deegaanka waxay sheegeen in dagaalkaas askar badan looga dilay ciidamada Militariga Soomaaliya  oo dagaalka kadis uu ku qabsaday .

Cabdulle Cali Mire Iyo Cabdi maxamed Guutaale oo ka mid ahaa ciidamada  la weeraray ayaa la sheegay inay goobta ku geeriyoodeen  .

Ciidamadii la weeraray ee Militariga  soomaaliya  ka tirsanaa ayaa la sheegay in socdaalkooda ay halkiisa kasii wateen kadib markii ay iska difaacee  weerarka alshabaab , waxaana la sheegay  inay ugu dambeyn gaareen deegaanka Warmaxan oo ay saldhig  ku lahaayeen.

Damqo 

Xafiiska Muqdisho 

Damqomedia@gmail.com 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *