Wararkii ugu dambeeyay Sarkaal ka tirsan Militariga Somaliland oo Hargeysa lagu dilay

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil xalay fiidki magaalada Hargeysa ee  xarunta maamulka Somaliland  loogu geystay sarkaal ka tirsan Militariga  Maamulka Somaliland.

Wararka ayaa sheegaya in koox ku hubeysanaa Bistoolado  ay sarkaalka  ku dileen agagaarka warsahadda Kabista Hargeysa  , kadibna ay goobtabla baxsadeen.

Ciidamada amaanka Soomaaliland oo dilka kadib koobta soo gaaray ayaa bilaabay howlgal baaritaan ah oo lagu baadi goobayo raggii dilkaas geystay.

Ma jirto ilaa hadda faah faahin rasmi ah oo ay ciidamada booliska Soomaaliland  ka bixiyeen dilka sarkaalka Militariga  Somaliland  ka tirsanaa iyo waliba natiijada howlgalki ay sameeyeen.

Magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland  ayaa ka mid ahayd meelaha ugu amniga wanaagsan Soomaaliya .

Damqo 

Xafiiska Muqdisho 

Damqomedia@gmail.com 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *