Wararkii ugu dambeeyay qarax mas’uuliyiin lala eegtay oo Muqdisho ka dhacay

????????????????????????????????????

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax jugtiisa inta badan degmooyinka Muqdisho laga maqlay kaas oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Wararka waxay sheegayaan in qaraxa uu ka dhacay halkii saacado ka hor lagu dilay Gudoomiyihii waaxda Shanaad ee degmada Kaxda.

Dadka deegaanka ayaa waxay sheegayaan in qaraxa uu yimid kadib markii goobti Ibraahim Colow Cali lagu dilay ay soo gaareen mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir  iyo Saraakiil Ciidan.

Wararka waxay intaas ku darayaan in gaariga qarxay uu ahaa gaari meesha uu ka dhacay yaalay oo sida la sheegay ay ka tageen ragguu dikay Ibraahim Colow Cali.

Ciidamada booliska oo goobta qaraxa uu ka dhacay soo gaaray ayaa bilaabay inay xiraan wadooyinka soo gala ama ka baxa aagga qaraxa uu ka dhacay .

 

Damqo 

Xafiiska Muqdisho 

Damqomedia@gmail.com 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *