Wararkii ugu dambeeyay Koox hubeysan oo dad shacab ah ku dilay Caabudwaaq

Koox Hubeysan  ayaa degmada Caabudwaaq ee gobolka Galmudug  ee Maamulka Galmudug  ku toogtay labo qof oo shacab ahaa sida dadka deegaanka ay soo sheegayaan.

Kooxda dilka fulisay oo ku hubeynaa Qorayga AK 47 ayaa rasaas ku furay goob dad shacab ah ay joogeen , waxaana goobtaas ku geeriyooday labo qof oo shacabki la saraaseeyay ah .

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dilka labadan qof oo magacyadooda lagu sheegay Shiino farah gurxan ( Shiine dhihii ) iyo Cabdulle Diiriye Shaaciye.

Wararka qaar ayaa sheegaya in loo dilay aano qabiil oo maalmahanba cabsideeda laga dareemayay degmada Caabudwaaq , mana jirto faah faahim maamulka degmada  uu arintan ka bixiyay.

Ciidamada booliska Galmudug  ayaa gaaray goobta  uu dilka ka dhacay oo ay ka bilaabeen baaritaano lagu raadinayo raggii dilkaas fuliyay.

damqo 

Xafiiska Muqdisho 

Damqomedia@gmail.com 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *