Wafdi ka socda beesha caalamka oo gaaray Dhuusamareeb

Wafdi ka socda Beesha Caalamka  oo u hor kacayo eegayga gaarka ah ee Qaramada midoobeey u qaabilsan Soomaaliya  James Swan  ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka  Galmudug Cali Daahir Ciid  ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb  kusoo dhaweeyay wafdiga Beesha caalamka ee maanta gaaray.

Waxaa la filayaa in inta ay joogaan Dhuusamareeb  ay kulamo la qaataan madaxda maamulka Galmudug  oo ay arimo badan  kala xaajoon doonaan .

Ujeedka safarkooda waxaa lagu sheegay inay tahay in magaalada Dhuusamareeb laga hergaliyo Xarun weyn oo ay yeelanayaan UN ka taas oo laga hagidoono howlaha hormarineed ee ay UN ka ka wadan guud ahan Galmudug.

Tan iyo markii madaxweynaha maamulka Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor  uu qabtay xilka madaxweynaha maamulkaas  waxaa guud ahaan deegaanada Galmudug laga dareemaya isbaďal dhan waliba ah.

Damqo 

Xafiiska Muqdisho

Damqomedia@gmail.com 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *