Thierry Henry oo ka xumaaday qaab ciyaareedka Arsenal ee kulankii Chelsea

(WARARKA-Damqo.com)

Halyeeygii hore ee kooxda Arsenal Thierry Henry ayaa ka xumaaday qaab ciyaareedkii liitay ee kooxda Gunners ay ku soo bandhigtay garoonka Stamford Bridge.

Arsenal ayaa u ciyaartay si habacsanaan badan ay ka muuqatay, mana aysan soo muuqan intabadan ciyaartoyda ay ku tashato kooxda ee Ozil iyo Sanchez.

Thierry Henry ayaa shaki ka muujiyay in Arsenal ay ciyaartay iyo inkale, wuxuuna intaa ku daray inaan la aqbali karin qaab ciyaareed


nuucaas oo kale ah marka lala ciyaarayo Chelsea.

Ma hubo in Arsenal ay ciyaartay galabta iyo inkale” ayuu yiri Thierry Henry oo ciyaarta ka falanqeynayay Sky Sports.

“Si buuxda ayaan u ogayn waxa aan ka filan karno Chelsea, laakiin marnaba ma garanayn waxa aan ka filan karno Arsenal”.

“Suurogal ma ahan inaad imaato Stamfrod Bridge oo aad u ciyaarto sidaas”.

TABIYE: Xassan Axmad Xassan

Damqo.com

XAFIISKA: Damqo muqdisho-somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *