TALO & TUSAALE!

WAXAAN, usoo jeedinaa Dawladda Federaalka iyo Madaxda Maamul GOBOLLEEDYADA in ay wada fariistaan arrimaha iyo qaabka doorashada 2020-2021. Mida kale, arrimaha khilaafka keenay iyo Awood Qeybsi MEEL ha leyska Dhigo oo DASTUURKA ayaa Qeexi DOONO dalkana dastuur ma laha. Waxey, ummadda Soomaaliyeed idinka baahan yahay in aad ka hadashaan sidi dib loogu soo dhisi lahaa:

1) Ciidamada QALABKA SIDA EE SOOMAALIYA,

2) Dhameystirka DASTUURKA,

3) DIB U Heshisiin,

4) GOONI ISU TAAGA Somaliland,

5) Dhisida MAXKAMADA DASTUURKA,

6) Dhisida Guddigga Garsoorka,

7) Qaabka Doorashooyinka 2020-2021,

8) Guddigga Doorashooyinka,

9) Xisbiyada Siyaasada iyo SHURUUCDI lagu dhaqi lahaay iyo

10) Gobolka Banaadir dadka ku nool see laga yeeli lahaay xuquuqdoodi dastuuriga ah sidi ay ku heli lahaayeen. Haddaba, ma dhicin waxna lagama qaban arrimahaan dalkana saan kuma jiri karo. Marka, waxaan qabaa oo iga tala ah:

1) in dawladda dhexe ka tanaasusho qorshaha ah doorasho proportional representation ah

2) in dawladda dhexe ka tanaasusho qorshaha ah dad la soo uruuriyay ayaa Madaxweynaha dooranaayo

3) in dawladda dhexe iyo maamul gobolleedyada isla gartaan in Soomaaliya ayna ka dhici karin one-person-one-vote xilligaan,

4) in xildhibaanada lagu soo xulo Laguna soo magacaabo 4.5 sidii hore,

5) in qofka xildhibaan noqonaayo shuruudo ay ku heshiiyeen dawladda dhexe iyo maamul gobolleedyada lagu soo xulo laguna soo magacaabo (aqoon, waayo-aragnimo, xirfad, karti, hufnaan iyo dembi la’aan ayadoo qof aan BUUXIN KARIN shurudahaas loo soo xuli karin loona soo magacaabi karin xildhibaan,

6) in XUBNAHA, AQALKA SARE ay noqdaan tiro siman oo lagu saleeyay 18-ka Gobol ee Soomaaliya. Runti, waxaan qabaa dawladda dhexe iyo maamul gobolleedyada in ay ka dheeraadaan dad ay wataan in ay noqdaan xildhibaanada Labada Aqal.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *