Tababarihii hore ee kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa si weyn u amaanay ninka ka bedelay shaqadii laga caydhiyay

(DMN) : Talyaniga Tababarihii hore ee kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa si weyn u amaanay ninka ka bedelay shaqadii laga caydhiyay ee Ole Gunnar Solskjaer kaddib guushii weyneyd ee uu lasoo gaadhay kooxda kulankii Paris Saint-Germain.

Solskjaer ayaa la rajaynayaa in xilka tababarenimo ee kooxda si rasmi ah gacanta loogu geliyo kaddib markii uu kooxda si wanaagsan usoo agaasimay mudadii uu hayay isla markaana ka xaadiriyay wareega siddeed dhammaadka Champions League.

Tababaraha ree Norway ayaa sidoo kale dib u mideeyay qolka labiska ee kooxda oo ahaa mid kala daadsan wakhtigii Mourinho intaa waxa dheer inuu dhinaca kale u rogay natiijo xumadii kooxda isaga oo kaliya hal kulan guuldaraystay 17 kulan oo uu xilka hayay.

Haddaba, Mourinho oo ka warramaya guulihii soo laabashada ahaa ee United iyo Ajax ayaa sheegay in tababare Solskjaer iyo dhigiisa Ten Hag ay yihiin kuwa guulahaas leh haddiiba kooxuhu marka ay liitaan dhibaatadu tahay tababarayaasha.

Mou ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan filayaa inay ka madax banaantahay qaab ciyaareedka, Natiihjooyinka Ajax iyo Manchester United waa kuwo cajiib ah”

“Haddii ay masuuliyada maalmaha xumi tahay tababarayaasha, Masuuliyada maalmaha wanaagsani kaddib waa kuwo ay leeyihiin tababarayaashu”

“Sidaa darteed ka aniga ahaan waa Ten Hag oo Ajax ah iyo Solskjaer oo Manchester United ah, Natiijooyin cajiib ah sidaa darteed amaan ayay leeyihiin”

“Manchester United, Waxaan odhan lahaa dhinaceeda maskaxda ah, Aaminaada nafta, Sidaa darteed ka aniga ahaan maalmo aad u cajiib ah oo labadan ‘nin ah”

Hadalka Mourinho ayaa laga dhex akhrisan karaa in Man United ay kaliya aaminsanaan ku dhaaftay PSG balse waxa hubaal ah in ay sidoo kale dheeleen taatiko ay ugu talo galeen kulanka sidii uu sheegay Solskjaer kulanka kahor.

Xafiiska damqo Media Network
       Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *