Somaliland oo ka hadadhay kufsi iyo dil loo geystay hooyo Seddex caruur ah haysatay

Iyadoo 11 kii bishan magaalada Burco  we maamulka Somaliland  kufsi iyo dil loogu geystay Ugbaad Cali Cabdulaahi  oo ahayd hooyo seddex  caruur  ah heysata ayaa arintaas waxaa si kulul  uga hadlay maamulka Somaliland.

Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha Somaliland  Maxamed kaahin Axmed ayaa sheegay in marnaba uusan maamulka Somaliland  ogolaan doonin in deegaanada Soomaaliland  ay ka dhacaan falalka nuucaas ah .

Wuxuu sheegay in cid alaale cidii arintaas dilka iyo kufsiga isugu jirta ku lug yeelata ay cadaaladda marsiin doonaan , waxaana uu ka digay in si hoose arintaas loo xaliyo.

Wuxuu digniin u diray odayaal dhaqan oo uu sheegay inay wadaan qorshe ah in arintaas  qaab beeleed lagu xaliyo taas oo uu sheegay inay dhibaatada sii hurin karto.

Waayihii dambe waxaa  inta badan  maadooyinka  lala duwan ee dalka kusoo badanayay falalka kufsiga iyo dilka isugu jira  mana jirto ilas hadda cir arintaas  loo xukumay.

Damqo 

Xafiiska Muqdisho 

Damqomedia@gmail.com 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *