Sir Culus:-Baadari faafinta Kirishtanka ka wada Muqdisho

War lagu qoray Wargeyska wordandway.org ayaa lagu shaaciyay in Baadari u dhashay Kenya Magaalada Muqdisho uu ka wado howlo lagu faafinayo kiristaanimada.

Waxa uu sheegay Wargeyska in Nikan uu ku sugan Muqdisho muddo Shan sano ah,isla markaana uu ka waday faafinta kiristaanimada  oo u barayay dad isugu jira Rag iyo Dumar.

Sidoo kale Wargeyska wordandway.org ayaa shaaciyay magaca Baadariga waxaana lagu soo gaabiyay John,kaasi oo degan qol yar oo ku yaalla mid kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir,waxaana goobta uu degan yahay loo qariyay sababo la xiriira dhanka amniga.

John oo ah Baadari u dhashay Kenya ayaa waxaa la sheegay in Magaalada uu ku baro dad Soomaali ah Kiristaanka,iyagoo si  qarsoodi ah u qaata,isla markaana aan


la wadaanig qoysaskooda.

 “Si qarsoodi ah ayaan  u heesnaa,una cibaadeysanaa marka aan fursad helna dad badan ayaan gaarsiinaa, inkastoo ay adag tahay in aad tiraahdo waxaan faafinaya Kiristaanimada” ayuu yiri John.

Guud ahaa dadka Soomaaliyeed ayaa ah Muslimiin 100%,kuwaasi oo aad dalka u ogaleyn in lagu faafiyo diin ka baxsan Islaamka.

Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa looga fadhiyaa in ay baaritaan dhab ay ku sameyso warka uu qoray Wargeyska wordandway.org,kaasi oo sheegaya in Muqdisho uu muddo 5-sano ah uu joojin Baadari u dhashay Kenya uuna kawad howlo dadka Muslimiinta ah uu ku baro faafinta kiristaanimada.

Halkan  Riixi si aad u Akhrisaro Warka uu qoray Wargeyska wordandway.org ee la xiriirta Baadariga ku sugan Muqdisho .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *