Shil sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay dalka

Boliska iyo Goobjoogayaal ayaa sheegay inay ugu yaraan 10 qof ku geeriyootay dab ka kacay Gaari Booyadle shidaal oo qalibmay, xilli ay doonayeen inay ka dhurtaan shidaalkii ka daatay.

Afhayeenad u hadashay Boliska dalkaasi oo lagu magacaabo Irene Ugbo waxay u sheegtay Wakaallaedda Wararka ee AP inay heleen maydadka 12 qof, halka 22 kale oo ay dhaawacyo gubasho daran ah la dhigay Isbitaalka.

Waxay kaloo sheegtay inuu


ka dhacay Deegaanka ODUKAPANI ee K/bar ee dalkaasi, mana kala cadda sababaha uu gaariga u qalibmay.

Dhinaca kale, shilkii ugu xumaa ee caynkan ah waxa uu dalka Nigeria ka dhacay sannadkii 1998-dii, xilligaasi oo ay in ka badan Kun qof ku geeriyoodeen dhuun shidaal oo ku qaraxday.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *