Shil Naxdin leh oo saakay ka dhacay Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Shil gaari oo saakay ka dhacay Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir,kaasi oo geystay Khasaaro.

Shilkaasi ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay agagaarka Baar ha I dhaafin oo ku yaalla  Degmada Waaberi,waxaana ku geeriyooday hal ruux  sida la sheegay.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay inoo sheegeen in Shilka uu yimid kadib markii ay isku dhacen labo Gaari oo kala ahaa nooca Xamuulka qaada ah iyo mid kale oo yar.

Goobta uu  shilka ka dhacay ayaa waxaa gaaray dad shacabka ah,kuwaasi oo doonayay in ay gurmad deg deg ah u sameeyaan dadkii ku waxyeeloobay Shilkaas,iyagoona goobta ka qaaday Meydka ruuxa ku geeriyooday halkaasi.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca shilal kala duwan,waxaana loo sababeeyaa Darawalada oo si xawaaro ah u wada Gaadiidka markii ay marayaan Wadooyinka Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *