Shil Khasaaro Nafeed geystay oo ka dhacay Gobolka Sh/dhexe

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabellaha dhexe laba ruux ayaa ku geeriyootay shil gaari oo ka dhacay Gobolkaasi.

Gaari xamuul ah oo siday dhuxul, ayaa ku rogmaday deegaan u dhaw degmada Balcad oo lagu magacaabo Jiirada Cali-Yaale kaas oo ku yaalla inta u dhaxeysa Magaalada Muqdisho iyo degmada Balcad.

Darawalkii gaariga waday & ruux kale oo saarnaa gaariga ayaa ku dhintay rogmashada gaarigaasi xamuulka ahaay.

Labada ruux ee dhintay ayaa maydkooda waxa ay hoos galeen gaariga rogmaday, iyadoo markii dambe gaadiid kale la keenay oo la toosiyay Baabuurka maydadkana sidaasi looga soo saaray.

Gaariga oo siday dhuxul ayaa ka yimid Gobolka Shabellaha dhexe, waxaana uu ku soo jeeday Magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *