Shil dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Muqdisho

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa geeriyooday labo kalana dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii  ay isku dheceen labo mooto Bajaaj oo xawaare sare ku socday .

Shilkan dhimashada iyo dhaawaca sababay ayaa ka dhacay agagaarka isgoyska Siinaay Gaar ahaan wadada General Daa’uud oo dib u dayactir lagu sameeyay .

Wararka ayaa sheegay in sababta shilkaas ay tahah wadayaasha labada mooto oo xawaare sare ku waday mooyinka iyo wadada oo ah mid liisho ah oo dib u dayactir lagu sameeyay.

Dad weyne ka agdhawaa goobta uu shilka ka dhacay ayaa u gurmaday dhibanayaasha waxyeelada ay kasoo gaartay isku dhaca labada Mooto.

Wadada General Daa’uud waxaa hore uga dhacay shilak nuucaan oo kale ah wixii ka dambeeyay markii dib loo dayactiray  waxaana inta badan wadooyinka nuucaan oo kale ah lagu jaraa Askari jiifo.

Damqo 

Xafiiska Muqdisho 

Damqomedia@gmail.com 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *