Dhageyso – Sheekh Maxamed Shaakir, ayaa sheegay in muddo xileedka madaxda Galmudug uu ka bilowday markii ay heshiis ku kala saxiixdeen madaxtooyada Soomaaliya,

(DMN) : Talyaniga –  Maamulka Galmudug ayaa ku dhowaaqay inaysan doorasho ka dhaceynin deegaanada maamulkaasi, islamarkaana seddex sano kadib ay doorashooyinkaasi dhici doonaan.

Madaxa xukuumadda Galmudug oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Dhuusomareeb ayaa jeediyay hadal caddeynaya in doorashada la filayay ay ka dhaceyso deegaanada maamulka Galmudug aysan dhici doonin waqti dhow.

Sheekh Maxamed Shaakir, ayaa sheegay in muddo xileedka madaxda Galmudug uu ka bilowday markii ay heshiis ku kala saxiixdeen madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo ay masuuliyiinta dowladda goobjoog ka ahaayeen.

Hadalkan ayaa khilaafsan kan ay qabaan siyaasiyiinta iyo musharaxiinta Galmudug oo ah in waqtiga Xaaf uu ku dhamaanayo 4 sano oo laga soo billaabo markii uu xukunka kala wareegay Cabdikariin Guuleed, taasi oo hadda bilo yar un ay ka hareen.

Kulan ay golaha wasiirada Galmudug ka qeyb galeen, oo Sheekh Shaakir uu go’aankan uga dhawaaqay, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa madaxweyne Xaaf.

Sheekh Shaakir ayaa sheegay in Galmudug mideynteeda laga soo bilaabay meel fog, islamarkaana hadda ay mareyso meeshii ugu wanaagsan, islamarkaana loo baahan yahay in lagu ixtiraam dastuurka maamulka Galmudug.

Hadalka Sheekh Shaakir ayaa dagaal siyaasadeed xooggan ka billaabi doona Galmudug, ayada oo beelo badan iyo siyaasiyiin badan ay doonayaan inay doorasho dhacdo.


Xafiiska damqo Media Network
       Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *