Shacab careysan oo maanta banaanbax ka dhigay Muqdisho

Iyadoo maalin ka hor ra’iisul wasaaraha soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble  uu sheegay in ay fureen wadooyinka Muqdisho  ee  ay dhibaatada badan shacabka ku qabeen  ayaa waxaa maanta dhacay banaanbax ka dhan ah wadooyin  hor leh oo ay dowladda xirtay.

Shacab careysan ayaa maanta banaanbax balaaran ka dhigay wadada warshadaha  iyo qeybo ka mid  wadooyinka degmooyinka Hurwaa  iyo Yaawshiid ee gobolka Banaadir.

Dadka banaanbaxa dhigayay ayaa u badnaa darawalada ku shaqeysta gaadiidka dadweynaha , waxaana ay ka cabanayeen lacago la sheegay in looga qaado wadada ex Koontarool Balcad si ay ugu soo gudbaan gudaha magaalada .

Mid ka mid ah darawalada banaanbaxa dhigayay ayaa sheegay in 2$ doolar looga qaado Koontaroolka Ex Koontarool  Balcad si ay ugu soo gudbaan gudaha magaalada.

Wuxuu sheegay in marka laga soo tago dhagxaanta faraha badan ee lasoo dhoobay wadada warshadaha  ay usii dheertahay ciidamada lacagta baadda ah uga qaadanaya si ay wadada u gudbaan.

Damqo 

Xafiiska Muqdisho 

Damqomedia@gmail.com 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *