Senator Muuse Suudi oo degaan doorashadiisa tahay Hirshabelle ayaa xusay in aysan jirin wax gurmad ah oo u socdo Baladweyne.

Senator Muuse Suudi kulan Maanta ay yeesheen Xildhibaanada Aqalka Sare ayuu Hirshabeelle ugu baaqay inay isku tagashato, isagoona xusay in aysan jirin wax gurmad ah oo u socdo Baladweyne.

Senator Muuse ayaa u mahadceliyay Maamulka Puntland iyo dadka kunool deegaano kale, kuwaasi oo uu sheegay inay gumad usoo direen dadkii uu Baladweyne ku saameeyay fatahaada Wabiga, wuxuuna tilmaamay in aysan qof uu Gobolka Banaadir  uga mahadcelinayo iyo dowlad intaba.

“Hirshabeelle ha isku tashato, Puntland iyo goboloda kale waan u mahad-celinayaa oo dadka fatahaaddu saameysay wqax lasoo gaaray, Gobolkaan banaadirna qof aan uga mahad-celinayo oo joogta ma jirto dowlad aan u mahad-celinayana ma jirto, Xaqoodi iyo Canshuurtoodi iyagaa cunay”  ayuu yiri Senator Muuse.

Si kastaba hadalka Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa waxaa kusoo aadayaa, iyadoo uu weli socdo gurmad loo sameeynayo dadkii uu Baladweyne ku saameeyay fatahaada Wabiga Shabeelle.

Xafiiska damqo Media Network
       Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *