Sawirro:-Madaxweyne Saciid Deni oo la kulmay Musharixiin uu ka adkaaday

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo taariikhdu tahay 10 January 2019 qado sharf u sameeyey musharixiintii u tartantay xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Puntland.

Munaasabada qado sharafta ah ayaa waxaa qayb ka ahaa Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Eng, Cabdixakiin Cabdullaahi Xaji Cumar Camey iyo masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda dowlad Goboleedka Puntland iyo marti Sharaf kale.

Dhinaca kale munaasabadda qado sharafta ah oo uu sameeyey Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid


Deni ayaa daarneed kala xog qaadasho iyo sidii musharixiinta iyo madaxweynuhu uga wada shaqayn lahaayeen taaba galinta iyo horumarinta hanaanka dowladnimo ee Puntland ay ku tilaabsatay

Ugu danbeyn, Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweyne, Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, iyo ku xigeenkiisii Eng, Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey iyo musharixiinta xilka Madaxweynaha ayaa qaatay qada sharafta kadib kulan gaar ah oo ay kaga


arrimo masiiriya oo khuseeya danaha Puntland iyo kan Soomaaliyeedba.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *