Sawirro:-Khasaaro ka dhashay Qaraxii Maanta ka dhacay Laami yaraha Zoobe

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax lagu soo xiray Gaari oo Maanta ka dhacay Laami yaraha Zoobbe ee Magaalada Muqdisho.

Gaariga qaraxa lagu soo xiray waxaa la sheegay in uu lahaa Xildhibaan Cali Cartan Bidaar oo ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed,waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan hal ruux ayaa ku geeriyooday qaraxaas,kaasi oo ahaa Darawalkii waday gaariga qarxay ,halka ay ku dhaawacmeen laba ruux oo sugnaa goobta xiliga uu qaraxa dhacayay,iyadoona loo qaaday goobaha Caafimaad ee ku yaalla Magaalada.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada Soomaaliya ayaa tegay,iyagoo halkaasi ka qaaday Meydka Darawalkii geeriyooday,waxaana inta ay ku sugnaayeen goobta hakad galay ganacsiga, isku socoda dadka iyo gaadiidka ee Laami yaraha Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Cali Cartan Bidaar ee Maanta gaarigiisa lagu qarxay Muqdisho ayaa,sidoo kale waxa uu mar Wasiir ka soo noqday maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *