Sawirro:-Al-shabaab oo soo bandhigay Ciidamo ka soo goostay dowlada Soomaaliya

Dgaalamayaasha Ururka Al-shabaab ayaa Degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud waxa ay ku soo bandhigeen Ciidamo ay sheegeen in ay ka goosteen dowlada Federaalka Soomaaliya.

Al-shabaab Ciidamada ay soo bandhigeen ayaa gaaraya  ilaa iyo 5 askari oo ka tirsanaa dowlada Soomaaliya,iyagoona iska soo dhiibay Degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan halkaasi ay ku sugan yihiin Ciidamada Itoobiya.

War lagu qoray warbaahinta Al-shabaab ayaa  lagu sheegay in askartan ay isku soo dhiibeen Xaalad adeg Awgeed oo ka jirta Degmada Maxaas,iyaga oo wata hubkooda,isla markaana ay ku sugan yihiin Degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud.

Ilaa iyo hada ma jiro war wax ah oo ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya oo ay uga hadlayan askartan Maanta isku dhiibay Al-shabaab in ay ka tirsan yihiin Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo inkale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *