Sababihii Bur burka liibiya iyo danaha Awoodaha isku haya

Libyan National Army (LNA) members, commanded by Khalifa Haftar, pose for a picture as they head out of Benghazi to reinforce the troops advancing to Tripoli, in Benghazi, Libya April 7, 2019. REUTERS/Esam Omran Al-Fetori

Libya waa wadan dhaca waqooyiga Africa, waana wadan uu Alle ku manaystay keydka shidaalka 4aad ee ugu badan Africa iyo kan 10aad guud ahaan aduunka. Dalkan ayaa sidookale xuduud xaga badda Mediterranean-ka kala leh qaaradda Yurub taasoo sahashay xiriir dhaqaale dhow oo dhexmara Libya iyo Yurub.

Waxii ka horeeyey kacdoonkii gu’ga Carbeed 2011-kii, Libya waxay aheyd wadan ka amni iyo nolol wanaagsan waqtigan. Kacdoonkii meesha looga saaray hogaamiyihii waqtiga dheer xukumayey dalkaas ee Qaddafi ayaa siyaasad ahaan kayara duwanaa kuwii kadhacay wadamada kale. Arrintaan ayaa waxaa loo sababeyn karaa galaangalkii siyaasadeed ee Qaddafi kulahaa gobolka iyo guud ahaan aduunka, erayadiisii qayaxnaa ee kuwajahnaa wadamada khaliijka iyo reer galbeedka, taageeradiisii jabhadihii hubeysnaa ee kajiray gobolo farabadan oo caalamka ah, balaarintii shirkadda shidaalka Oil-Libya oo meesha kasaartay shirkaddo reer galbeed ah oo waaweyn iyo hankiisii ahaa inuu dhiso hal dowlad oo ay Afrika kumideysan tahay.

Kadib dagaal qaraar oo ugu danbeyn lagu qaarijiyey Qaddafi, waxay inta badan dadku ku wareersan yihiin waxa ku dhowaad 10 sanno kadib Libya ka hortaagan hankii ahaa inay helaan hanaan dowladnimo oo ku asteysan dimuquraadiyad oo asal u aheyd kacdoonkii meesha looga saaray Qaddafi. Hadaba, si aan u helno jawaabta arrintaas, aan markahore cadeyno taariikhda soojireenka ah iyo gacmaha ku-kulmay Libya.

  1. Saameyta xukunkii milatariga: Bulshada reer Libya oo waqtidheer kuhoos jiray hanaan kaligii talis ah, taasoo sida caadiga ah keenta inay dadku kala saari waayaan wadaniyadda, dal jaceylka, waajibaadka muwaadinnimo, taageerrida iyo mucaaradida dowladda ama hogaamiyaha dalka ay tahay in loo muujiyo oo ugu danbeyn horseeda inay dadku u fahmaan in dalkaba ay dowladda oo kaliya leedahay ayaddana laga doonayo difaaca iyo hormarintiisa. Arrintaan ayaa sidookale keenta in muwaadiniinta dalka markii ay waayaan fursad kale oo ay uga qeyb-qaataan talooyinka iyo isbadalka siyaasadeed ee dalkooda ay ka doonayaan inay marka danbe sahasho inay raadiyaan fursad kasta oo ay meesha uga saari karaan xukuumada ayagoo ay ku adkaato inay kala gartaan shisheeyaha iskugu dhiibaya dabka ama caanaha iyo inay si maskax kujirto u falanqeeyaan u jeedka ay ajaanibta garbaha uga jirta ka leeyihiin dalkooda.
  2. xiriirkii soojireenka ah ee Libya & Faransiiska: France waa wadan taariikh gumeysi oo mugdi ah kuleh qaaradda Africa, waana wadan had iyo goor ku xisaabtama dhoofsiga halka dhinac ah ee kheyraadka Africa ayagoo taageero u fidiya madaxda dalalkii uu gumeystay ee fulisa awaamiirtooda islamarkaana hadii loo baahdo xilka katuura kuwa kasoo horjeesta damacooda.
  • Inkastoo aysan Libya kamid aheyn wadamada uu Faransiiska guumeystay, hadana xiligii Qaddafi waxaa jiray xiriir aanan fadhin oo kuqotamay dhaqaalaha, siyaasadda iyo amniga. Xiriirkan oo soomaray marxaladdo kaladuwan ayaa mugdi galay xiliyo ay kamid aheyeen dagaalkii sokeeye ee dalka Chad 1980-kii oo ay Faransiiska iyo Libya lakala safnaayeen dhinacyadii iskuhayey awooda dalka Chad.
  • Sidookale burburkii diyaaradii UTA-772 Flight ee 1989-kii ay kunaf-waayeen 170 qof oo 54 kamid ah ahaayeen muwaadiniin Faransiis ah taasoo sababteeda dusha looga tuuray dalka Libya oo markii danbe aqbashay masuuliyadeeda ogolaatayna inay magdhow siiso dhamaan ehaladii dadkaas.
  • Laakiin khilaafka ugu darnaa labada dhinac waxuu soo bilowday talaabadii 2008-kii Qaddafi ku balaariyey shirkadda shidaalka OIL-Libya taasoo si dhaqso ah ugu fiday kudhawaad 20 dal oo Africa ah, arrintan oo qalqal-galisay ama meeshaba kasaartay shirkadihii waaweynaa ee wadama reer galbeedka sida Shell, Exxon-mobil iyo Total oo laga leeyahay Faransiiska.Taalabadaan ayaa Faransiiska kunoqotay dharbaaxo lama filaan ah oo dhanka dhaqaalaha ah.
  • Faransiiska waxaa walwal xoogan ku hayey oo arrimahan barbar socday damicii iyo ololihii waqtiga dheeraa ee Qaddafi kudoonayey inuu kudhiso ‘Africa yeelata hal dowlad’ taasoo ka xoog iyo saameen badan Afrikada maanta jirta. Midow Africa oo u sameysan qaabka Midowga Yurub kaasoo dadka iyo dhaqaalaha Africa iskaga kala-gooshaan xuduudaha qaaradda ayadoon laweydiinayn dalkugal iyo canshuur intaba. Waxaan sidookale meesha kamarneyn yadidiilo ah dhisida Bangi-dhexe oo maalgalin kusameeya mashaariicda Afrika taasoo horseedi karta kobac dhaqaale.
  • Qaddafi ayaa sidookale lagu sheegaa inuu kudhex-milmay siyaasadda dalka Faransiiska kadib lacago uu amaahiyey ololihii doorashada madaxweynihii hore Nicolas Zarkozy oo tan iyo waqtigan ay dacwadeedu socoto, arrintaan oo ka careysiisay xisbiyadda iyo musharixiinta kale ee dalkaas.
  • Wadarta arrimahaan is biirsaday ayaa Faransiiska aad u taabtay maadaaama uu xiriir toos ah la leeyahay 14 dal oo kamid ah wadamadii uu horey u gumeystay ee Africa iyo wadarta 29 dal oo kamid ah wadamada kuhadla luuqada Faransiiska ee lagu magacaabo Franco-phones taasoo keentay inuu maleego qaabkii looga taqalusi lahaa Qaddafi.
  •  Qaddafi oo markiisii horeba ay dowladaha reer Galbeedku qatyaan kutaag-naayeen kadib damaciisii ahaa inuu sameysto hubka Nuclear-ka, taageeradii uu siinayey jabhadaha sida Tuareg oo diidan tamarta dhulkooda ka daabulo Faransiisku, Farc Rebels oo xiligaas laf-dhuungashay kunoqday dowlada Mareykanku taageero ee Colombia, IRA oo dhaq-dhaqaaq hubeysan kawaday waqooyiga Ireland ee cariga Britain, kooxihii xornimo doonka Falastiin iyo South Africa iyo kuwa kale. Waxaan meesha kamarneyn eedihii diyaaradii ku burburtay Scotland 1988-kii ee Pan-Am Flight oo sababteeda cunaqabateyn mudo dheer socotay kadib uu aqbalay masuuliyadeeda wallow siday dad badan rumeysan yihiin ujeedku ahaa sidii uu uga tanaasuli lahaa damaciisa hubka Nuclear-ka, taasoo ugu uu ku badashay in laga qaado cunaqabateynta.
  • Shirqoolkii mudada dheer la doonayey in meesha looga saaro Qaddafi waxaa hirgaliyey kacdoonkii hubeysnaa ee ciidamadiisa iyo dad shacab u badan ay iskaga hor imaadeen 2011-kii, taasoo durbadiiba Faransiisku kuqaaday duqeyn xaga cirka ah oo markii danbe loogaliyey shaati ururka NATO ah laguna burburiyey ciidamadii, hubkii iyo saadkii ciidamada Qaddafi ugu danbeyna lagu qaarijiyey.

Libya-da maanta

Libya maanta waa wadan uu amnigiisa iyo dhaqaalihiisu aad u liito aysana kamuuqan ifafaalo uu waqti dhow kusoo kaban karo. Libya oo sidaan soo sheegnay leh keydka shidaalka 4-aad ee Africa iyo midka 10-aad guud ahaan Aduunka awoodna u laheyd dhoofinta in kabadan 1.6 million fuusto oo saliid ah maalin kasta waxii ka horeeyey kacdoonkii lagu riday Qaddafi, maanta waxay xarumihii ganacsiga, waxbarashada iyo caafimaadka u xiranyihiin koronto la,aan ay sabab u tahay gabaabsiga shidaalka.

Hadaba, arrintaan ayaa loo sababeynayaa fashilka kuyimid kacdoonkii lagu tuuray Qaddafi iyo danaha is diidan ee wadamadii hogaanka u qabtay siyaasadda dalkaas. Siyaasadda Libya waxaa waqtigan horboodaya oo isku hardinaya jeneral Khalifa Haftar oo waqtigan gacanta kuhaya bariga iyo qeybo badan oo kamid koonfurta, halkaasoo ah goobaha ugu badan keydka shidaalka Libya asagoo taageero kahelaya wadamada iskutaga Emirate-ka, Masar, Russia iyo Faransiiska. Dhanka galbeedka Libya oo ay kutaalo caasimada dalka ee Tripoli waxaa gacanta kuhaya dowladda Qaramada Midoobay aqoonsan tahay oo uu hogaamiyo Raysul-wasaare Fayez al-Sarraj oo garab kahelaya dowladaha Turkey-ga, Qatar iyo Talyaaniga.

Hadaba waa maxay danaha wadamadaan ka leeyihiin Libya?

  • UAE waa dal horumar muuqda kasameeyey waxsoosaarka saliida iyo dhanka ganacsiga, gaar ahaan dhanka dekadaha taasoo ka badbaadisay saameyntii sicirka saliida kuyeeshay wadamada saliida hodanka ku ah sida dhigooda S. Arabia. Wadanka Emirate-ka oo aan waxii ka horeeyey kacdoonkii ka curtay wadamada Carabka aanan looga baran faragalinta qaawan ee arrimaha siyaasadda, milatariga iyo dhaqaalaha ayaa dardar culus lasoo baxay ayagoo garabsanaya dalka S.Arabia. Arrintaan ayaa loo sababeynayaa damaca fashilin lagu sameeyo dareenkii isbadal doonka siyaasadeed ee ay ku haminayeen da,yarta dalalka Tunisia, Masar, Libya, Syria iyo Yemen. Xulufadda ay horkacayaan Emirate-ka iyo S.Arabia oo cabsi ka qaba inay kusoo fidaan isbadal-doonka siyaasadeed ayaa durba ku guuleystay inay fashiliyaan kacdoonkii dalal Masar, Yemen, Libya iyo kan ugu danbeeyey ee Sudan. Cabsida ugu weyn ee Emirate-ka iyo S.Arabia ayaa ahaa awooda iyo abaabulka uu xisbiga Aqwaanul-Muslimiin ka lahaa kacdoonka Carabta oo uu kala dhexeeyo khilaaf soojireen ah. Xulufadaan ayaa sidookale shaki weyn ka qaba dowlada uu hogaamiyo Fayez al-Sarraj oo lagu xanto inuu gacansaar la leedahay xisbiga Aqwaanul-Muslimiin.
  • Russia: UAE ayaa faragalinta Libya la kaashanaysa dalka Russia oo kamid ah wadamada codka qayaxan ee Veto-ga kuleh Qaramada Midoobay kasoo hadii loo baahdo hor-isaagi kara warbixinada xad-gudubka xaquuqul insaanka iyo mida cunaqabateynta hubka ee kuwajahan xulufadan islammarkaana qudhiisa suuq dhanka hubka ah kadhex arka dagaalka Libya.  Howl-galkaan waxaa si gaar ah Russia ugu qaabilsan kooxda Wagner Group oo ah koox sigaar ah u abaabulan oo fulisa danaha militariga arrimaha dibada Russia horeyna ugasoo howl-galay dalalka Ukrain iyo Syria.
  • Masar oo xuduud dheer lawadaaga Libya farahana kula jirta arrimaha Libya ayaa waxaa ka arrimiya Cabdul-Fatah Al-sisi oo garab istaag siyaasadeed iyo mid dhaqaale ka helayey UAE iyo S.Arabia tan iyo xiligii uu afganbiga ka dhacay Masar oo qudhiisa cabsi ka qaba xanta xiriirka la tuhunsan yahay inuu kadhexjiro Aqwaanul-Muslimin iyo dowlada Fayez al-Sarraj. Al-sisi ayaa bishii June ee sanadkan ku goodiyey inuu diyaar u yahay weerar dhanka militariga oo uu kaga hortago dowlada Libya iyo Turkey-ga hadii uu weerarkeedu soogaaro magaalada Sirta oo uu ku tilmaamay qad-cas, taasoo aheyd kaarkii ugu danbeeyey ee laga filan karay xulufada ay horkacayso UAE, islamarkaana hakisay is balaarintii dowlada iyo dhigooda Turkey-ga.
  • Faransiiska oo ujeed dhaqaale oo dhanka shidaalka ah ka leh Libya ayaa jeneral Xaftar ka caawinayey dhanka tababarka iyo saadka tan iyo 2015-kii. Dalalka ku bahoobay NATO ayaa aaminsan in doorka Faransiiska ee Libya uu baalmarsan yahay siyaadda NATO maadaama uu si shaqsi ah u kaashanayo Russia halkii ay aheyd inuu lasocdaa xulufadda NATO. Dalka Talyaaniga oo ah dalkii gumeystay Libya ayna tahay in looga danbeeyo shaxda siyaasadda Libya sida looga bartay gumeystihii reer Yurub marka faragalin lagu sameynayo dalalkii la gumeystay ayaa aad uga carooday hab dhaqanka Faransiiska maadama uu baalmarayo hab dhaqan hoosaadka Yurub. Faransiiska oo fashil kala kulmay guuldarada Xaftar ayaa caro kala dul dhacay Turkey-ga asagoo waqtigan dagaalka u weeciyey dhanka badda Mediterranean iyo xulufeysi ka kooban France, Israel Cyprus iyo Greece.
  • Turkey-ga oo lasafan dowlada tabarta yar ee Libya oo kuyaboohaya ciidan, tababar iyo qalab milatari oo casri ah ayaa kuguuleystay inuu kadulqaado go’doomin 14 bilood ah oo lagu hayey qeybo kamid caasimadda Tripoli islamarkaana noqday waxa afka qalaad lagu yiraahdo ‘Game Changer’. Garab istaaga Turkey-ga oo aysan ka marneyn dano siyaasadeed iyo mid dhaqaale ayaa waxaa ugu weyn heshiiskii bariga badda Mediterranean-ka oo lagu tilmaamo inuu kujiro keyd shidaal oo gaaraya $700-billion arrintaan oo durba ka qeylisiiyey wadamada Israel, Cyprus iyo Greece oo bishii January ee sanadkan heshiis marin dhuun shidaal ah kala saxiixday taasoo marinkeedu kubeegan yahay goobta Turkey-ga iyo Libya ku heshiiyeen. Turkey-ga ayaa sidookale marka laga tago dhanka ganacsiga, fursad shaqo uga abuuray shirkaddaha dhismaha Turkey-ga. Ugu danbeyna talaabada Turkey-gu kutaageeray dowladda Libya ayaa dharbaaxo dhanka istaraatijiyadda ah ku ah xulufadda UAE, Masar, Russia iyo France.
  • Qatar oo doorweyn ku laheyd kicinta iyo taageeradii kacdoonkii lagu riday Qaddafi islamarkaana aheyd dowladii Carbeed ee ugu horeysay oo aqoonsata sharciyadda mucaaradkii kasoo horjeeday Qaddafi ayaa waqtigan lasafan garabka dowladda Libya ayadoo kaashanaysa Turkey-ga. Doorka taageerada Qatar ay lagu sheegaa dhaqaalaha, tababarka iyo qalabeynta ciidanka dowlada ayadoo kaduuleysa heshiiskii sadex-geesoodka ahaa ee Libya, Qatar iyo Turkey. Ujeedka Qatar ayaa ah inuusan najixin gulufka kooxda UAE.
  • Talyaaniga oo aanan galaangal siyaasadeed, mid milatari iyo mid dhaqaale ku dhameyn Faransiiska marka laga hadlayo gudaha ururadda Midowga Yurub iyo NATO ayaa doorkiisa taageero ku xadiday dhanka diblomaasiyadda iyo abaabulka shirar dib u heshiisiin ah asagoo ilaalinaya xiriirka soo jireenka ah ee dhaqaale iyo kan xakameynta muhaajiriinta kasoo gudba xeebaha Libya.

Gunaanad

Marka la isku wadageeyo danaha siyaasadaha isdiidan ee ku kulmay Libya, waxaa lagala dhexbixi karaa inay adagtahay in goordhow Libya ka hanaqaado dowlad adag oo gacanta kuwada dhigta Libya ayadda oo sida muuqata dhinacwalba ka hormarinayo dantiisa mida shacab weynaha Libya. Waxaa kale oo xusid mudan in fashilka ku yimaada wadamada leh qeyraadka dabiiciga ah xalkiisu ka adag yahay wadamada saboolka ah ayagoo eersada qeyraadkooda oo usoo jiida gacmo shisheeye oo kala socda.

Hadaba, xiligaan ma muuqato rajo dhaxalgal dib u heshiisiineed oo ay wadaan QM, Jamaacadda Carabta, Midowga Africa iyo Midowga Yurub Intaba. Sidaa darteed, waxaa la saadaalin karaa in dhinacyadu adkeysan doonaan difaaca goobaha ay ku kala sugan yihiin, si ay dhaqaale u helaana kuheshiin doonaan dhoofinta shidaalka dalka oo uusan dhinacna gaar u dhoofsan Karin waqtigan maadama dhulka keydka shidaalka uu gacanta ku hayo Xaftar halka shirkadda shidaalka qaranka Libya oo haysata sharciyada dhoofinta ay hoos-tagto dowlada.

W/Q: Xamdi Wardhere Maxamed

Email: zudeys9@gmail.com

Facebook: Xamdi Wardheere

Damqo Media waa mareeeg furan waxayna diyaar u tahay inay halkan kuugu daabacdo warbixinada xaqiiqada iyo aqoonta ku dhisan ee aan is leenahay bulshada weey anfacayaan .

Maqaalada, Faallooyinka iyo warbixinadaada noogu soo dir damqomedia@gmail.com  si aan kuugu daabacno mahadsanid 

damqo 

Xafiiska Muqdisho 

Damqomedia@gmail.com 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *