Roma oo kusoo biirtay loolanka daafaca Victor Lindelof.

MUQDISHO-(CAYAARAHA-Damqo.com)

Kooxda AS Roma ee ka dhisan horyaalka Italian Seria A ayaa kusoo biirtay loolanka loogu jiro saxiixa xidiga ka ciyaara daafaca ee Victor Lindelof.

Daafaca kooxda Benfica ayaa mudooyinkii dambe bartil maameed u ahaa kooxo dhowr ah oo ay ugu horeyso Manchester United , balse markaan waxaa loolanka kusoo biirtay kooxda ka dhisan caasimada Italy sida uu qorayo Website-kaTuttoMercato.

Kooxda


Roma ayaa dooneysa in daafacan reer Sweden ay ku bedelaan ciyaar yahanka daafaca uga ciyaara ee Kostas Manolas oo la hadal hayo inuu Roma ka tagayo marka uu dhamaado xagaagan.

Ciyaar yahan Kostas Manolas oo uu gaba gabo yahay heshiiskiisa kooxda Roma ayaa waxaa wada doonaya kooxaha Inter Milan iyo Juventus oo kwada ciyaara horyaalka Seria A

TABIYE: Xassan Axmad Xassan

Damqo.com

XAFIISKA: Damqo muqdisho-somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *