Rikooradii laga diwaan geliyay bar-baraha Kulankii Bayern ee Hertha BSC.

MUQDISHO-(CAYAARAHA-Damqo.com)

Kooxda Bayern Munich oo hogaanka uheysa horyaalka Bundesliga Germany ayaa bar-baro la gashay kooxda Hertha BSC ciyaar kusoo idlaatay 1:1 kulan ay marti ahaayeen.

Ciyaar yahan Vedad Ibesivic ayaa goolka hore ee kulanka dhaliyay daqiiqadii 21-aad waxaana uu hogaanka udhiibay kooxdiisa Hertha BSC.

Xidigaha macalin Carlo Ancelotti ayaa goolka bar-baraha waxaa ukeenay Robert Lewandowski daqiiqadihii


dheeriga ahaa ee ciyaarta , waxaana bar-barahaas uu ka dhigay inay 8 dhibic ka horeeyaan kooxda kusoo xigta ee RP Leipzing oo uu kulan uharsan yahay.

Goolkii uu dhaliyay Lewandowski daqiiqadii 96-aad ayaa waxa uu ka dhignaa inuu yahay midkii ugu waqtiga dambeeyay waxaana rikoorkaas horay uu ahaa mid la dhigay sanadii 1992 waxaana lagu dhaliyay 95 daqiiqo iyo 57 ilbiriqsi.

Sidoo kale ciyaar yahanka Bayern Robert Lewandowski ayaa waxa uu Gool ka dhaliyay 25 koox Horyaalka Germany 6 xilli ciyaareed oo xiriir ah oo uu ka ciyaarayo Bundesliga.

TABIYE: Xassan Axmad Xassan

Daqmo.com

XAFIISKA: Damqo muqdisho-somalia

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *