Ra’iisul Wasaare Kheyre oo magacaabay Guddi muhiim ah + Akhriso

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa lagu magacaabay Guddiga Badbaadinta iyo soo celinta hantida Qaranka

Guddiga uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka kooban 11 xubnood,waxaana ku jiro xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Duqa Muqdisho, Hantidhowraha Guud  iyo xeer-ilaaliyaha qaranka.

Guddiga ayaa waxaa la faray inay  ay si deg deg ah u bilaabaan howsha soo celinta hantida Qaranka,isla markaana ay ka bilaabaan meelaha loo baahan yahay.

Wareegtada lagu magacaabay Guddiga Badbaadinta iyo soo celinta hantida Qaranka ayaa waxaa la ogeysiiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhammaan xubnaha Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

 

Hoos ka Akhriso Guddiga la magacaabay.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *