RA’IISUL WASAARAHA SOMALIYA “AL-SHABAAB WAA IN HALMEEL LOOGA SOO WADA JEESTO”

(damqo.com)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in meel loogu soo wada jeesto dagaalka ay Dowlada kula jirto Al-Shabaab.

Waxa uu tilmaamay in Xukuumada Soomaaliya ay ku dadaalayso in la soo afjaro dagaalka Al-Shabaab isla markaana laga saaro guud ahaan dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa xusay in ay muhiim tahay in meel loogu soo wada jeesto dagaalka Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa dagaal kula jira Ciidamada Dowlada iyo Dowladdaha Ciidamadooda ay ka joogaan Soomaaliya, Waxaana weeraro ismiidaamin ah ay ka geystaan Xarumaha Dowladda iyo Hotel ku yaalla Muqdisho.

Xigasho puntaland post

damqo.com

Abdulkadir Qanjey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *