Qarax dad shacab ah ay ku dhinteen oo ka dhacay Shabeelaha dhexe

Wararka aan ka heleyno gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in qarax uu haleelay Mooto ay saarnaayeen dad shacab ah oo ku wajahnaa degmada Mahadaay .

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaas uu ahaa miinada nuuca dhulka kagu aaso , waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyooday labo ruux halka mid kale uu dhaawac kasoo gaaray.

Labada qof ee geeriyootay  iyo qofka dhaawacmay ayaa la sheegay inay la socdeen mootada xilliga uu qaraxa haleelayay .

Ciidamada dowladda soomaaliya ayaa  gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay waxaana ay bilaaabeen howlgal ka dhan ah raggii qaraxaas meesha galiyay.

Damqo 

Xafiiska Muqdisho 

Damqomedia@gmail.com 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *