Qarax Culus oo ka dhacay Maanta Magaalada Paris

Magaalada Paris ee Caasimadda dalka Faransiiska ayaa Maanta waxaa halkaasi ka dhacay qarax weyn,kaasi oo geystay Khasaaro.

Qaraxaasi ayaa waxa uu bur bur xoogan u geystay Xafaadda uu  ka dhacay ee lagu magacaabo Rue De Montyon oo ku taalla Magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

Sido kale qaraxa ayaa waxaa ku bur buray dhismayaal badan iyo  gawaari,kuwaasi oo xiliga uu qaraxa dhacayay yaallay Xaafadda Rue De Montyon ee dalka Faransiiska.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyadda qaraxaan Manata ka dhacay Magaalada Paris ee Caasimadda dalka Faransiiska.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *