Qaar ka mid ah ciidamada daraawiishta Galmudug oo gadooday

Somali soldiers patrol in Wadajir distri...Somali soldiers patrol in Wadajir district South of capital following heavy fighting as Somali government and African Union troops battled a powerful militia warlord in a bid to disarm him, on August 15, 2014 in Mogadishu. Somalia's government launched a disarmament campaign earlier this month, with troops backed by the AU mission in Somalia (AMISOM) today fighting to seize weapons from militia leader Ahmed Dai. AFP PHOTO/MOHAMED ABDIWAHABMohamed Abdiwahab/AFP/Getty Images

Qaar ka mid ah ciidamadii ugu horeeyay ee daraawiishta Galmudug  ayaa ka gadooday xiro ay ku jireen oo ku taalay Dhuusamareeb, waxaana ay gaareen degmada Galinsoor ee gobolka Galgaduud.

Ciidamadan oo ka mid ahaa Maleeshiyaad uu wasiirka Amniga Galmudug  Axmed Macalin Fiqi kasoo aruuriyay Gaalkacyo  iyo deegaanada hoos yimaada ayaa xalay isaga baxay xiradii ay ku jireen oo ku taala Dhuusamareeb.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan oo wata Shan gaadiidka dagaalka ah ay u gadoodeen kadib khikaaf soo kala dhexgalay wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi iyo xildhibaanada Galmudug ee Gaalkacyo laga soo doorto.

Xildhibaano iyo odayaal dhaqan ayaa la sheegaya inay u jihiysteen dhanka Galinsoor si ay usoo xaliyaa  xiisadda ciidamada Gadooday iyo wasiirka Amniga Galmudug  .

Ciidamadan ayaa ah ciidamadii ugu horeeyay ee loo tababaro daraawiishta Galmudug, waxaaba wasiir fiqi muddooyinkii ugu dambeeyay uu waday qorshe uu ku dhisay ciidamada Galmudug.

Damqo 

Xafiiska Muqdisho 

Damqomedia@gmail.com 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *