NISA oo sheegtay inay qabatay 79 Tan oo Kiimilo alshabaan loo waday ah iyo shaqsiyaadki waday

Hey’adda nabad Sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka  ku sheegtay inay qabatay Kiimiko loo waday Alshabaab iyo shaqsiyaadkii dalka keenay.

NISA waxay sheegtay inay gacanta ku dhigtay 79 tan oo maadama Sulfuric Acid ah iyo shaqsiyaad  ay sheegtay inay Alshabaab u wadeen

“Waxaa gacanta lagu dhigay 79, Tan oo maadada “Sulfuric Acid”ah & Shakhsiyaadkii dalka soo galiyey, una gudbinayey Maafiyada Alshabaab, waxayna wajihi doonaan Sharciga. Baaritaanka Maadadan waxaa ka wada shaqaynaya NISA & Hey’adaha ay iska kaashadaan ladagaalanka Aragagixisada” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

NISA ma sheegin halka kiimikadaan laga soo qabtay iyo tirada shaqsiyaadka ay soo qabatay  sidoo kale ma sheegin halka laga keenay kiimikadan waxaase ay sheegtay inau wado baaritaan dhowaana ragaas la maxkamadeyn doono.

Damqo 

Xafiiska Muqdisho 

Damqomedia@gmail.com 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *