Nin Ganacsade Caan ahaa ku dilay Boosaaso oo gacanta lagu dhigay

Ciidamada amniga maamulka Puntland ayaa howlgal ay ka sameeyeen Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari  ayaa waxa ay gacanta ku soo dhigeen Ninkii ka dambeeyay Dil habeen ka hor ka dhacay Magaaladaasi.

Howlgalkan  ayaa Ciidamada waxay si gaar ah uga sameeyeen Xaafada Raf iyo Raaxo ee Magaalada Boosaaso,halkaasi oo lagu dilay mid kamid ahaa Ganacsatada sida weyn looga yaqaanay Magaaladaasi,kaasi oo lagu magacaabi jiray Salaad Cabdi Cukaash,isagoona Xisaabiye Guud ka ahaa Shirkad Ganacsi oo lagu Magacaabo Horseed.

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jeneraal Muxudiin Axmed Muuse, ayaa sheegay hawlgal Ciidamada booliska ay sameeyeen in lagu soo qabtay ruux ka mid ahaa shaqsiyaadka dilalka ka gaysta Magaalada,isagoo watay qorigii loo adeegsaday falka dilka ahaa.

“Nin ganacsada baa magaalada lagu dilay, ciddii dishay, qorigii lagu dilay dhammaan waa haynnaa, waxaanna rajaynayaa haddii Ilaah idmo, maanta inaan soo bandhigi doono” ayuu yiri taliye Muxiyadiin oo faahfaahinayey cidda loo qabtay dilka Salaad Cukaash.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *