Neymar oo leh mustaqbal ka iftiin badan Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo…(EEG TIRO KOOBKAN)

BARCELONA, SPAIN - APRIL 17: Neymar of FC Barcelona runs with the ball during the La Liga match between FC Barcelona and Valencia CF at Camp Nou on April 17, 2016 in Barcelona, Spain. (Photo by David Ramos/Getty Images)

(WARARKA-Damqo.com)

Neymar ayaa 25-jirsaday wuxuuna ku raaxeysanayaa waayo ciyaareed oo ka qurux badan xiddigaha ugu waa wayn kubbada cagta waqtigan ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo markii ay da’daa oo kale jireen.

Wiilka kulankiisii ugu horeeyay u saftay Santos isagoo 17-jir ah ayaa dhaliyay 280-gool heerka kooxaha iyo midka xulka, iyadoo uu Messi dhaliyay 279-gool halka uu Cristiano Ronaldo dhaliyay 162-gool markii uu joogay da’da Neymar oo kale.

Laakiin marka la fiiriyo saamiga uu kalankiiba gool ku dhaliyo waxaa Neymar ka fiican


Messi maadaama uu 280-gool uu ku dhaliyay 468-kulan halka kabtanka xulka Argentina uu 279-ka gool uu ku dhaliyay 410-kulan.

Iyadoo ay jirto inuu Neymar soo qaatay 8-sano aan innaba caadi ahayn misane waligii kuma guuleysan abaal marinta Ballon d’Or halka Lionel Messi iyo Ronaldo ay abaal marintan kala qeybsanayeen tan iyo wixii ka dambeeyay 2007 kolkaa uu ku guuleystay Kaka.

TABIYE: Xassan Axmad Xassan

Damqo.com

XAFIISKA: Damqo muqdisho-somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *