Nasiib Laawe Joel Matip dalkiisa oo uu diidey ayaa koobkii qaaday isna Liverpool Guul lama Gaarin

(CAYAARAHA-Damqo.com)

Kadib Guushii koobka qaramada Africa ee dalka Cameroon waxaa baraha bulshada qabsaday Canbaareyn loosoo jeedinayo Cayaartoydii diidey in ay u dheelaan dalkaas Gaar ahaan daafaca Kooxda Liverpool ee Joel Matip kaas oo intii uu socdey koobka Africa kooxdiisu hal mar badiyeen inta kalana laga wada badiyey.

Qaar ka mid ah Cayaartoyda dalka Caneroon iyo Taageerayaasha dalkaas ayaa aad u Canbaareeyey Cayaartoydii diidey in ay dalka Cameroon


u dheelaan Koobka Africa oo uu ugu Horeeyo daafaca Liverpool ee Joel Matip.

Joel Matip oo sheegay in uu Kooxdiisa doonayo in uu Guulo Gaarsiiyo intii uu Cameroon u dheeli lahaa koobka Africa ayaa intii uu socdey Koobka Africa oo dalkiisu qaaday waxaa Laverpool badisay 1 kulan oo ahaa ku Celiska koobka FA Cupka waxaana laga badiyey Kulamdii kale ee ay ladheeleen Swansea, Southampton, Wolves iyo Hull City.

TABIYE: Xassan Axmad Xassan

Damqo.com

XAFIISKA: Damqo muqdisho-somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *