Mursal waxaa lagaa rabaa inaad ka dhabeyso SAREYNTA SHARCIGA

(DMN) : Talyaniga –  Waxaad ka mid tahay  Mudane Xildhibaan Mohamed Mursal Sheikh Abdirahman-waxaad tahay  mas’uulka ugu sareeyo isla markaasne ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka DFS

Waxaad ka mid tahay masuuliinta ugu sareeya heer Federal iyo heer degaan dowladeedka KGS oo maanta guud ahaan ummadda soomaaliyeed si gaar ahna KGS ay uga dhursugayaan inaad ka dhabeyso SAREYNTA SHARCIGA oo ah sida keliya ummadd ku gaari karto horumar iyo nabadgelyo waarta.

Waxaan kugu hambalyeynaynaa, kaagana mahad celinaynaa go’aanka geesinimada leh aad ka


qaadatay jahwareerka siyaasadeed ee la damcay in lageliyo Golaha Shacabka iyo doorashada KGS.

Waxaan Allah (SWT) kagaa baryaynaa in uu garabkaaga galo xilka aad u haysid ummadda Soomaaliya, gaar ahaan Koonfur Galbeed, waxaan kuu rajaynaynaa guul, horumar, cimri dheer iyo cibaado san, Illaaheyna ha kaa qabto wax allaale oo dhib kula damacsan.

Awes Sheikh Muheidin Amin
Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliya Koonfur Galbeed
Melbourne, Australia

 

Xafiiska damqo Media Network
       Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *