Meydka Siyaasi Caan oo mucaraad ah oo la helay

Siyaasiga  mucaraad ku ah Dowladda Ruwanda oo lagu magacaabi jirey Anselme Mutuyimana oo 30-jir ah ayaa la helay, mana kala cadda qaabka uu u geeriyooday.

Haweeneyda mucaaradka ee Fiktoyr Ingabuire oo madax ka ah Xisbiga Midowga Xoogagga Dimuqraadiga ee FDU ee dalkaasi ayaa sheegtay inay Goobjoogayaal u sheegeen in rag ku labisnaa dharka Boliska oo watay gaari casaan ah ay Hoggaamiyahaasi oo ahaa Afhayeenkeeda ka qabteen Galbeedka Deegaanka Mahoko, iyadoodhowr daqiiqo kadibna la helay maydkiisa.

Marxumka la dilay walaalkiisa oo lagu magacaabo Agustin Tubanambazi oo la hadlay Wakaalladda Wararka REUTERS ayaa sheegay inuusan maydka wax dhaawac ah ka muuqanin, balse uu afkiisa ku yaallay dhiig.

Dilalka Siyaasadeed ee ka dhaca dalkaasi ayaa waxaa inta badan lagu beegsadaa Siyaasiyiinta Mucaaradka ee ka soo horjeeda Madaxweyne Bawl Kigaame oo talada dalkaasi hayey tan iyo bishii April 22-dii sannadkii 2000.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *