Marxuum Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde). Waxuu ahaa halyeey u adeegay shacabkiisa

Marxuum Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde). Waxuu ahaa halyeey u adeegay shacabkiisa xilligii ugu adkaa iyo gurmadkii bisha cas ee waqtigi loo bixiyey caga bararki.

Waxaad Masuuliyad Qaran qaaddey xilli adag oo caasimaddii dalka isku dhex eryanayaan Muqaawamo, Dowlad iyo Itoobiyaan.

Dadkii oo ka quustey iney ganacsadaan ama nolol u raadsadaan suuqa ugu weyn dalka ee Bakaaraha ayaad xasilisay dadkiina ku abuurtey rajo iyo yididiilo nololeed.

Waxaad Jabuuti isugu geysay Dowlad iyo Mucaarad hubeysan, wixii ay kusoo heshiiyeena aad fulisay kuna wareejisay xilkii.

Hada kahor baan wax ka qorey dadaalkaaga iyo shaqsiyad wanaagaaga anigoo halku-dhig uga dhigay “qofka intuu nool yahey baa la amaanaa ama loo mahad celiyaa” maantana geeridaada baan tacsi ahaan u qorayaa qormadan yar iyo inyar oo aan kusoo koobay taariikhdaadii ku dhaweyd qarniga.

Allaha kuu naxariisto Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ehel, asxaab iyo somali oo dhan samir iyo iimaan allaha ka wada siiyo, waxaa ciil iyo murugo ah in maanta laguu sameyn karin Aas Qaran oo ka dhaca ciiddaadii iyo dalkaagii dhibka jira dartiis & musiibada Coronavirus😢

Waa kuusoo wada duceyneynaa Adeer Nuur🙏

Source Mohammed Deeyoo

     Xafiiska damqo Media
       Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *