Manchester City Oo Soo Gashay Kaalinta 2aad Ee Horyaalka Premier League Ka Dib Markii Ay Garaaceen Bournemouth

MUQDISHO-(WARARKA-Damqo.com)

Kooxda Manchester City ayaa soo gashay kaalinta labaad ee kala sareynta horyaalka Premier League ka dib markii ay 2-0 ku qaarjiyeen kooxda Bournemouth oo ay marti u ahaayeen, iyagoo haatan sideed dhibcood ka danbeeya kooxda hogaanka heysa ee Chelsea.

Tababare Pep Guardiola ayaa mar kale shaxdiisa ku soo bilaabay Gabriel Jesus kaasoo kursiga keydka geliyay kulankii seddexaad ee isku xigta ee Premier League Sergio Aguero, laakiin qorshaha uma noqon sidii uu u doonayay tababaraha reer Spain iyadoo Jesus uu dhaawac muruqa ah soo gaaray daqiiqadii 14aad taasoo keentay in xiddiga reer Argentina uu bedel ku soo galo ciyaarta.

Man City


ayaa bilowgii ciyaarta fursado fiican heshay laakiin waxa ay ku qaadatay ilaa iyo daqiiqadii 29aad inay hogaanka u qabtaan ciyaarta iyagoo uga mahadcelinaya goolka uu u saxiixay Raheem Sterling.

Silva ayaana lahaa hal abuurka goolka isagoo kubad dhanka bidix u dhigay Sane kaasoo isna karoos soo dhigay laakiin waxaa kubada taabtay Cook taasoo sii caawisay City iyadoo kubada uu helay xiddiga Ingariiska islamarkaana uu shabaqa ku hubsaday.

Raheem Sterling ayaa shan gool ka dhaliyay oo Premier League ah kooxda Bournemouth, waana kooxda ugu goolasha ugu badan ka dhaliyay horyaalka Ingariiska

TABIYE: Xassan Axmad Xassan

Damqo.com

XAFIISKA: Damqo muqdisho-somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *