Madaxweynihii hore ee soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo Muqdisho dib ugu soo laabtay

Madaxweynihii hore ee soomaaliya Shariif Sheekh Axmed  ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho  kadib muddo bilooyin  ah oo uu dalka dibadiisa ku maqnaa.

Xildhibaano  ka tirsan baarlamaanka federaaalka soomaaliya Mas’uuliyiin  ka tirsan madasha Xisbiyada Qaran  saraakiil  ciidan iyo qaar ka mid ah taageerayaashiisa ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde International airport .

Shariif Sheekh Axmed  ayaa kasoo amba baxay magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya oo uu maalmihii dambe ku sugnaa , waxaana inta uu Nairobi  joogay kulan Gaar ah oo saacado qaatay la yeeshay ra’iisul wasaarihii hore ee soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Sidoo kale Shariif Sheekh Axmed  ayaa mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Imaaraadka Carabta  kula kulmay magaalada Abuu Dubai kuwaas oo uu kala xaajooday xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya  iyo sidii ay u taageerilahaayeen ololihiisa musharaxnimo ee xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa inuu u safro magaalada Jowhar  ee xarunta maamulka Hirshabeelle  oo ay ka socoto qaban qaabada doorashada hogaanka sar sare ee Maamulkaas maadaama xalay lasoo saaray liiska xildhibaaanada baarlamaanka 2aad ee Hirshabeelle.

Damqo 

Xafiiska Muqdisho 

Damqomedia@gmail.com 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *