Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle oo fariin guubaabin ah u diray siyaasiyiinta reer Hiiraan

Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble  ayaa  qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook  wuxuu kaga hadlay dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed  ee ka socda degmada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.

Wuxuu sheegay in shacabka iyo siyaasiyiinta reer Hiiraan looga fadhiyo inay aayahooda ka tashadaan isla markaana ay dhaq dhaqaaq siyaasadeed  oo la mid ah kan ka socda Jowhar laga bilaabo magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Cali Cabdulaahi Cosoble  madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabeelle  ayaa sheegay in waxa ka soconaya magaalada Jowhar  ay yihiin fowdo balse aanay ahayn dhismaha maamulka Hirshabeelle.

Wuxuu tilmaamay inay lagama maarmaan tahay in bulshada Hiiraan  ay dhistaan maamul la mid ah kan Hirshabeelle  maadaama sida uu sheegay maamulka Hirshabeelle laga shaqeynayo in la bur buriyo.

Halkaan hoose ka aqriso qoraalka Cali Cabdulaahi Cosoble

Waxaan ku talinayaa howsha Jowhar ka socota mid la mid ah in Baladweyne laga bilaabo. Baarlamaanka Hirshabeelle ha la xulo, madaxweyne iyo ku xigeenna ha la doorto Baladweyne ha ku shaqeeyaan. Xaq baad u leedihiin, cid idinka hor istaagi karta ma jirto. Intaa markaad sameysaan ayey DFS, IGAD, AU iyo bulshda caalamka idin dhageysan doonaan. Abgaal reer Baladweyne ah waa idinla joogaan ee ka dhigta madaxweyne ku xigeen, beelaha kale dhamaantoodna waa reer Hiiraan. Xawaadlow ogaada waa la idin riix riixayaa si la idiin tijaabiyo. Ha ku dhicina imtixaanka. Qaniinyo qaniinyaa kaa fujisa. Fowdana waa laga hortagaa ee lama sugo. Ma jecleyn inaan sidaan ku taliyo balse waxaa ii muuqata talo kale oo idiin furan ineysan jirin. Dhista Hirshabeelle la mid ah midda ay reer Jowhar dhisanayaan.

Damqo 

Xafiiska Muqdisho 

Damqomedia@gmail.com 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *