Madaxweyne Xaaf oo ka hadlay geeridii ku timid Xildhibaan Xasan Caarad

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle ayaa ka tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Marxuum Xasan Maxamed Axmed Caarad oo ka tirsanaa Barlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa tacsi u diray Dhammaan ehelkii, asxaabtii,qaraabadii, Baarlamaanka iyo shacbiga Galmudug oo uu ka baxay marxuum Xasan Caarad oo ahaa xubin ka tirsan Golaha Baarlamaanka Galmudug.

Alla ha u


Marxuum Xildhibaan Xasan Caarad ayaa Barlamaanka Galmudug ka mid noqday May 2015, wuxa uu kamid ahaa Xubnihii ugu horeeyay ee loo xulay Barlamaanka Galmudug.

Waxa uu ahaa aqoonyahan, mudane ku firfircoon howlaha Barlamaanka,

Sidoo kale waxa uu ka mid ahaa gudiyada joogta ah ee Baarlamaanka Galmudug.

Allaha u Naxariisteen Xildhibaan Xasan Caarad oo ka tirsanaa Baarlamaanka Galmudug ayaa xalay ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *