*Madaxweyne Farmaajo iyo Maalinta Oktoobar* oo ka fashilantay asagoo rabay in oo xusso Ogtobar

*Madaxweyne Farmaajo iyo Maalinta Oktoobar*

– Tiro ku labo ayuu madaxweyne Farmaajo ka baaqsaday shaqo uu qaban lahaa kadib markii ay ku aadday maalinta 21 Oktoobar!, midda hore waa Oktoobar 2017, xilli wareegto xafiiskiisa ka soo baxday lagu sheegay inuu tagayo baarlamaanka, hadalna ka jeedin doono, midda labaad waa daah-furka taallooyinkii Muqdisho ee dib loo saaray goobihii ay ka taagnaan jireen dagaalada sokeeye ka hor, oo sida wararku sheegeen la qorsheeyay inay dhacdo maalinta 21 Oktoobar, haseyeeshee la soo hormariyay oo laga dhigay 18 Oktoobar.

– Hadaladii koobnaa ee madaxweynuhu ka jeediyay goobta daah-furka, iyo heesihii meesha laga qaaday intaba waxa ay cabbirayeen marxalad siyaasadeed oo laga soo gudbay, marxaladdii Oktoobar oo guulaheeda aan la dafiri karin sida aan guldarooyinkeeda loo dafiri karin.

– Dib u soo celinta taallooyinka Muqdisho waxaa ka horeeyay hal-hays uu madaxweyne Farmaajo si joogto ah u adeegsado oo dad badani ay dareen ka qaadeen, qaar kalana ay u qaateen hadal carrabku ka boobay ee aan ula kac ahayn, hal-hayskaa oo ah “dawladdii beri-samaadkii” iyo “sidii aan ahaan jirnay” isaga oo muujinaya inuu xiiso u qabo hannaankii dawladeed ee burburay.

– Tan iyo markii dalkeennu hantay xorriyaddiisa saddex marxaladood ayuu soo maray, marxaladdii dimuquraadiyadda 1960-1969, tii kacaanka 1969-1991, iyo tii burburka iyo soo kabsashada 1991-…, marxaladda hore ma aha mid uu madaxweynuhu ku garaadsaday, mana jirto awood la sheego oo ay dawladdeenu lahayd xilligaa oo dhiiri gelin u noqon karta jiilka maanta jooga, marka laga reebo xorriyadihii siyaasadeed, saxaafaddii xorta ahayd iyo hanaankii dimuquraadiyadeed ee xilka lagula kala wareegayay, muuqaaladaas oo sida muuqata uu madaxweynuhu u arko inay caqabad ku yihiin dawladnimada maanta!.

– Cabashooyinka ka soo yeeraya bahda saxaafadda, siyaasiyiinta ka sheeganaya in laga baajiyay kulamo ay qabsan lahaayeen, kuwa la weeraray oo xabsi loo taxaabay, iyo kuwa kale oo laga hor istaagay safar ay aadi lahaayeen, dhammaan waxa ay ka soo horjeedaan hanaanka dimuquraadiyadda ee lagu xasuusto marxaladdii kacaanka ka horaysay.

– Marxaladda labaad oo ah tii kacaanka waa midda uu ku garaadsaday madaxweynuhu, waana midda dhistay muuqaal dawladeed oo taageero baaxad leh ka helay dadka Soomaaliyeed meel ay joogaanba, dalkeenana ka dhigtay mid ay ku xisaabtamaan dalalka Afrika iyo caalamkaba, waana “beri-samaadka” uu madaxweynuhu ka sheekeeyo marka uu tusaalaha u soo qaadanayo awoodda ciidan ee aan lahaan jirnay, dhexdhexaadintii Soomaaliya ay dhexdhexaadisay dawladaha Afrika qaarkood iyo gacan-siintii xoogagii gobanimadoonka ee Afrika iyo Carabtaba, hayeeshee waxa uu madaxweynuhu halmaansan yahay ama is halmaansiinayaa in kacaankii uu burburay markii uu lumiyay qaar kamid ah tiirarkii ugu muhiimsanaa oo aasaaska u ah dawladnimo lagu dhaato, kuwaa oo ay ugu horreeyaan xoriyaadka aasaasiga ah ee muwaadinka iyo caddaaladda.

– Kacaanku muwaadiniintii ayuu u kala qeybiyay “waddani’ iyo “daba-dhilif. Muwaadiniin badan ayaa qudha laga jaray ra’yigooda dartiis, qaar kale ayaa xabsiyada lagu hilmaamay, qaar badanna waddanka ayay isaga carareen, iyadoo markii dambe koox loo arkayay qar-iska-tuur ay abaabuleen dagaallo lagu wiiqayo kacaanka, meeshana looga saarayo, taasoo dhaxalkeedu noqday qaran-jabkii ku habsaday dalka.

– Marxaladdii kacaanku waa kolka ay luntay nuxurkii ay lahayd waddniyaddu oo ay noqotay shaati markii la doono la gashado, qaar kamida kuwii ugu taageeridda badnaa macallinkii kacaanka ayaa Addis Ababa ka soo jeestay oo ku biiray halgan hubaysan oo kacaanka looga soo horjeedo, muddo kadibna dalka ayay ku soo laabteen, liiskii waddaniyiinta ayayna halkoodii kaga biireen. Waa xilligan marka waddaniyaddu u xuub-siibatay “gulwadeynta” taasoo ah in masxladda dalka iyo hannaanka dawladnimo aan laga shaqeynin ee madaxda xilka haysa rabitaankooda la fuliyo iyadoo qofku danihiisa gaarka ah uu ku hoos wato, dhaqankaa oo ah ka horseeday burburkii galaaftay jiritaankeennii ummadnimo iyo kii dawladnimo.

– Kacaanku waxa uu magaca waddniyadda kula dagaalamay mid kamida tiirarka ay Soomaalidu ku dhisan tahay oo ah qabiilka, halka aydolojiyaddii hantiwadaagana ay ka hor keentay culimadii diinta, iyadoo halkii uu meesha ka saari lahaa labadaa qodob uu isagii meesha ka baxay. Maanta oo la joogana qabiilkii waxa uu u xuub siibtay “maamul-goboleed” iyada oo uu madaxweyne Farmaajo quu-daraynayo inuu kaga guuleysto magaca waddaniyadda!, halka halgankii culumadii ay kacaanka is hayeen uu u xuub-siibtay Al-Shabaab.

– Marxaladdii burburka waxaa lagu xasuustaa isku daygii Jeneraal Caydiid iyo jabhaddiisii ee ku aadanaa buuxinta kaalintii banaanatay ee waddaniyadda isaga oo adeegsanaya awood taasoo uusan ku gujayn keliya xoogaagii Soomaaliyeed ee ay is hayeen balse uu kaga xarago qaatay ciidamadii UNOSOM II taasoo ugu dambeyntii keentay in ay Soomaaliya isaga baxaan, haseyeeshee maadaama uu jeneraalku awood wax ku raadinayay, waddaniyiin ay jaal ahaayeen oo ay kala aragti duwanaadeen ayaa keebka u qabtay, dabadeedna sidii kacaanku meesha uga baxay ayay waddaniyadiisuna meesha uga baxday.

– Markii hogaamiyayaashii kooxaha siyaasadeed kala adkaan waayeen, dhaxalkii wadaniyadda waxaa u soo haray Alshabaab oo isu caleema saaray difaaca dalka iyo diinta, ayaga oo aan u kala saarin sokeeye iyo shisheeye ayay cid kasta awood ku dayeen, mid ka adkaada iyo mid ay ka adkaadanba.

– Haddaba haddii “beri-samaadka” iyo “waddaniyadda” maanta la baadi-goobayo in dalka dib loogu celiyo ay tahay tii kacaanka waa lug-gooyo iyo fashil siyaasadeed muujinaya faqri maskaxeed iyo hal-abuur la’aan.

– Waddan miisaan leh, muwaadiniin is jecel, oo ku kalsoon dawladooda iyo hana-qaadka waddaniyad dhab ah waxaa gundhig u ah in lala yimaado hal-abuur u gogol xaara hanaan dowladeed oo aan ku dhisnayn dicaayad raqiis ah iyo guulwadeyn, muwadiniintana aan u kala qaybinin kacaan iyo kacaan-diid, cidda ka aragti duwanna aanan awood ku muquuninayn ee wada-xaajood, xil-kasnimo, dareen masuuliyadeed iyo dad isku wadid wax ku soo dabbaasha.

– Mas’uulka waddaniga dhabta ahna waa kan maslaxadda guud mudnaanta siiya oo tiisa gaarka ah dib u dhiga, haddii ay ahaan lahayd in dib loo doorto amaba tallo loo dhiso, ammaanta beenta ah iyo guulwadeyntana aan ku mashquulin. Soomaaliduna waa tii horay u tiri “Raganimo meel cirriyoon bay ku jirtraa” ama sidii uu yiri Axmed Koorajaan “Raganimo dantaa moogi ayay ku jirtaa”.

Xafiiska damqo Media Network
Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *